MAXAY DADKA QAAR ISKU DHIIBAAN SE DEGDEG AH

Maxay Dadka Qaar U Qalbi Jabaan Si Degdeg Ah Marka U Horeysa oo Dhibka La Kulmaan.
Noloshu mar walba ma aha waddo sahlan oo si toos ah loogu gaaro guusha. Qof kasta wuxuu la kulmaa caqabado, dib-u-dhac, niyad-jab iyo waqtiyo uu dareemo in dadaalkiisu uusan wax natiijo ah keenayn. Si kastaba ha ahaatee, dadka qaar waxay go’aansadaan inay is dhiibaan ka hor inta aysan arkin natiijada dadaalkooda.
Su’aashu waxay tahay: maxay dadka qaar isku dhiibaan si degdeg ah? Sababtu mar walba ma aha tabar-darro. Mararka qaarkood waxaa ka dambeeya filashooyin aan dhab ahayn, cabsi, dulqaad yari ama faham la’aan ku saabsan sida guushu dhab ahaan u shaqeyso.
Filashooyinka Degdegga Ah Iyo Natiijo La’aanta
Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee qofku isku dhiibo waa inuu filayo natiijo degdeg ah. Dad badan waxay bilaabaan qorshe cusub iyagoo maskaxda ku haya in dadaalkoodu si dhaqso ah u dhalin doono guul. Marka toddobaadyo ama bilo ay dhaafaan iyagoo aan arkin isbeddel weyn, waxay bilaabaan inay rumaystaan in qorshahoodu shaqaynayn.
Dhab ahaantii, waxyaabaha qiimaha leh badankood waxay u baahan yihiin waqti. Barashada xirfad cusub, dhisidda ganacsi, qorista buug ama horumarinta nafta ma aha hawlo natiijadoodu isla markiiba muuqato. Qofka fahma arrintan wuxuu bartaa inuu qiimeeyo horumarka yar-yar, halkii uu kaliya ka sugi lahaa guul weyn.
Cabsida Guuldarrada Iyo Isku Kalsooni La’aanta
Mararka qaar qofku wuu isdhiibaa, sababtoo ah waddadu way adag tahay, tan kale wuxuu ka baqayaa inuu ku guul-darraysto. Cabsida guul-darradu waxay qofka ku abuuri kartaa fikir ah in haddii uusan isku dayin, uusan khasaarin doonin. Sidaas darteed, wuxuu dooran karaa inuu ka tago hawsha intii uu wajihi lahaa suurtagalnimada guuldarro.
Isku kalsooni la’aantu waxay sidoo kale door weyn ka ciyaartaa arrintan. Qofka si joogto ah isu weydiiya, “Ma awoodayaa?” wuxuu si fudud ugu daali karaa shakiga. Haddii uu guuldarro yar la kulmo, wuxuu u fasiran karaa inay caddayn u tahay inuusan awoodin. Laakiin guuldarradu ma qeexdo qofka; waxay inta badan muujisaa meel uu u baahan yahay inuu wax ka barto.
Isbarbardhigga Dadka Kale Iyo Cadaadiska Bulshada
Baraha bulshada iyo muuqaalka guusha dadka kale waxay mararka qaar qofka ku abuuraan sawiro khaldan. Qofku wuxuu arkaa qof kale oo helay shaqo wanaagsan, ganacsi guulaystay ama gaaray riyo uu muddo dheer lahaa. ka dib wuu niyad jabiyaa. Waxa meesha ku jira oo uusan ogayn ama arkin waa sannadihii dadaalka ee qofkaas, khaladaadkiisii, khasaarahii iyo caqabadihii ka horreeyay guushaas ee qofkaas guulaystay soo maray.
Marka qofku noloshiisa ku cabbiro natiijada qof kale, wuxuu dareemi karaa inuu dib uga dhacay dadka kale. Dareenkaas wuxuu keeni karaa niyad-jab iyo rabitaan ah inuu ka tago yoolkiisa. Waxaa muhiim ah in la fahmo in qof kasta leeyahay waqti u gaar ah. Horumarka qof kale ma aha cabbir lagu qiimeeyo qiimahaaga ama awooddaada iyo wixii aad gaari doonta mustaqbal dhow.
Dulqaad La’aanta Iyo Fahamka Qaldan Ee Guusha
Guushu inta badan ma timaaddo hal mar. Waxay ka dhalataa tallaabooyin badan oo yaryar oo la isku daray. Qofka doonaya inuu wax walba si qumman u sameeyo laga bilaabo maalinta koowaad wuxuu si fudud uga niyad-jabi karaa howshiisa. Waxa uu illoobi doonaa in khaladku yahay qayb ka mid ah barashada.
Dulqaadku ma aha inaad sugto adigoon wax qaban. Waa inaad sii waddo dadaalka adigoo hagaajinaya habka aad wax u samaynayso. Haddii qorshe uusan shaqayn, waxaa laga yaabaa in waxa loo baahan yahay aysan ahayn in la isdhiibo, balse ay tahay in qorshaha wax laga beddelo. Qofka guusha gaara badanaa ma aha kan aan la kulmin dhibaato, laakiin waa kan barta sida uu uga jawaabo dhibaatada.
Sida Loo Dhiso Adkaysi Iyo Dhiiranaan Joogto Ah
Si looga fogaado isdhiibidda degdegga ah, qofku wuxuu u baahan yahay yoolal cad cad inuu samaysto iyo sababta xooggan oo u doonayo inuu gaaro yoolalkaas. Marka sababta doonitaanku qoto dheer tahay, caqabaduhu si fudud uma burburin karaan go’aanka qofka. Waxaa sidoo kale oo faa’iido leh in yool weyn loo qaybiyo tallaabooyin yaryar oo la qaban karo.
Qofku waa inuu bartaa inuu u dabaaldego horumarka yar, aqbalo khaladaadka, kana fogaado isbarbardhigga aan faa’iidada lahayn. Sidoo kale, nasashadu ma aha isdhiibid. Mararka qaar maskaxda iyo jirku waxay u baahan yihiin waqti ay ku soo kabtaan. Waxa muhiimka ahi waa in nasashadu noqoto dib-u-urursi awood, ee aysan noqon ka tagis joogto ah.
Gunaanad
Dadka qaar waxay isku dhiibaan si degdeg ah sababtoo ah waxay filayaan natiijooyin degdeg ah, waxay ka baqaan guuldarro, waxay isku barbar dhigaan dadka kale ama ma haystaan dulqaad ku filan. Laakiin fahamka sababahan wuxuu qofka siin karaa fursad uu ku beddelo hab-fikirkiisa. Guushu ma aha tartan lagu gaaro qof kale waqtigiisa. Waa safar u baahan dulqaad, barasho, is-aaminaad iyo adkaysi. Marka caqabaduhu yimaadaan, isdhiibiddu ma aha doorashada keliya. Mararka qaar waxa loo baahan yahay waa in la hakado, wax laga barto wixii dhacay, qorshaha la saxo, dabadeedna tallaabada xigta la qaado. Qofka sidaas sameeya wuxuu fahmayaa in dib-u-dhacu uusan ahayn dhammaadka safarka, balse uu noqon karo qayb muhiim ah oo ka mid ah jidka guusha.